SHARE

Toddobo qof oo muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, ayaa ku dhintey xeebaha waqooyi galbeed wadanka Turkiga ka dib markii ay degtay doonidii ay la socdeen.

Muhaajiriintaasi ayaa u dhashay wadanka Afgaanistaan .

Maanta ayaa xeebahaha Canakkale ee waqooyi galbeed Turkiga laga helay meydadka muhaajiriintaasi.

Doonta ayaa waxa saarnaa 20 qof oo ka soo kala jeeday dalalka Iran iyo Afganistan waxaana la badbaadiyay 12 qof oo muhaajiriin ah  oo u dhshay wadanka Iran .