SHARE

Ciidamada booliska ee dalka ayaa shaaca ka qaaday inay xannibaad ku soo rogeen 13 shirkadood oo la sheegay inay lacago ka qateen waaxda qaran ee adeega dhalinyarada ee NYS.
Laamaha amaanka ayaa intaasi ku daray inay tallabadaasi ku dhaqaqeen kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in shirkadaasi ay 121 milyan si sharci darro ah uga heleen NYS.
Waaxda dambi barista ee dalka ayaa ku guuleysatay inay xannibaad saarto akoonadaasi kadib markii maxkamada ay u ogolaatay inay baritaano sameyso.
Amarka maxkamada ayaa waxaa sido kale qeyb ka ah in bangiyada ay sarakiisha dambi barista ku wareejiyaan dokumeentiyada la xiriira qaabkii loo furay akoontiyada kala duwan.
Dhawaan ayay ahayd markii qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ee dalka ay soo bandhigtay in 8 bilyan laga lunsaday waaxda qaran ee adeega dhalinyarada ee NYS in kasto agaasimayaasha maamulkaasi ay gaashaanka u daruureen eedeymaha loo soo jeediyay.