SHARE

Shacabka ku nool xaafada Islii ee magalada Nairobi ayaa ugu hambaliyeeyay bulshada Muslimiinta gaar ahaan shacabka soomaalida ee ku nool daafaha caalamka Bisha barakeeysan ee Ramadhaan oo guud ahaan muslimiinta caalamka ay u diyaar garoobaayaan in maalinka bari oo khamiis ah ay bilabaan.
Shacabka ayaa waxay dhamaan bulshada soomalida ugu baaqeen in bishan ay tahay bisha la isku naxariisto oo sida awgeed la doonayo in la isku gargaaro, dadka tabarta darana la caawiyo iyadoo Alle loogu dhawaanayo

Dhinaca kale, iyadoo bari ay tahay maalinka koowaad ee bisha barakeeysan ee Ramadhaan ayaa waxaa laga dareemaya suuqyada gaar ahaan baqaarada ku yaala xaafada Islii diyaar garow xoogan oo ku aadan isku diyaarinta bishaan barakeesan.
Shacabka ayaa waxeey aad u gadanayaaan timirta iyo raashinka noocyadiisa kala gadisan.
Waryaheena ismaamulka Nairobi Cabdikhadar Maxamed Xaaji ayaa booqday qaar ka mid ah baqaarada lagu iibiyo raashinka, wareysina la yeeshay ganacsatada .

Dhankl kale waxaa ay qaar ka mid ah soomalida ku nool xaafada Islii ay baaq nabadeed u direen dadka ku dagaalamaya degaanka Tukaraq dagaalkaasi oo uu dhaxeeya ciidamada Soomaaliland iyo Puntland kuwaasi oo mudooyinkii danbe isku hor fadhiyay deegaano ka tirsan Gobolka Sool.
Waxayna ugu baaqeen in bishaan si gaar ah loo ixtiraamo lana ilaaliyo dhiiga qofka Muslimka ah.

Shacabka ku nool ismaamulka Wajeer ayaa sido kale muujiyay dareenkooda ku aadan sida ay isugu diyaarinayaan bisha Ramadaan ee berri bilanaysa