SHARE

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaa Maalintii Saddexaad ka socda Shir u dhaxeeya Madaxda maamul goboleedyadda.
Qodobadda ugu waa weyn ee Shirka looga hadlaayo waxaa ka mid ah amniga, sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaanada ay ku sugan yihiin,qeybsiga kheyraadka dalka iyo sidii ay u soo saari lahayeen qodobo ay isku raacsan yihiin hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada ee Baydhabo ku kulansan.
Furitaanka shirka ayaay masuuliyiintu xuseen in doorashooyinka la filayo in Soomaaliya ay ka dhacaan sannadka 2021-ka ay qeyb ka yihiin ajendaha kulankooda.
Shirkaan ayaa lagu waddaa in lasoo Afjaro maanta Gelinka dambe,lagana soo saaro Warmurtiyeed.
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan oo ka mid ah Ergooyinka ka qeyb galeysa Shirkaasi ayaa Warbaahinta u sheegay in Shirka maanta lasoo gabagabeyn doono ilaa bilowgiina uu u socday sidii loogu tala galay.