SHARE

Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo maanta shir jaraa’d ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sharaxaad ka bixiyay imtixaanka shahaadiga ah ee dowlada Soomaaliya ay qorshaynayso inay ardayda ka qaado maalinta sabtida ah ee nagu soo aadan.
Wasiirka ayaa sheegay in markii ugu horreysay dowladda Soomaaliya ay bixisay Lacagaha ku baxaya Imtixaanadda, sidoo kalena markii ugu horreysay Imtixaanka dowladda lagu daabacay Gudaha magaalada Muqdisho ee caaasimada Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu dhammaan Ardayda Soomaaliyeed ugu baaqay inay muujiyaan Feejignadaan si aysan dhibaato u gala kulmin ayna ugu guulaystaan imtixaankooda

1400 oo ka mid ah ardayda ku nool magaalada Beledweyn ee xarunta gooblka Hiiraan ayuu wasiirku sheegay inaysan ka qayb qaadan doonin imtixaankaan sababo la xiriira saamaynta ka dhalataya fatahaadaha wabiga shabeele.