SHARE

Wadanka Guatemala ayaa maanta noqday dalkii labaad oo safaarad ka furto Quddus oo ka tirsan falastiin kadib markii maraykanka uu dhawaan qaaday tallabadaasi mid la mid ah.
Munaasabadda Quddus looga furayay safaaradda Guatemala ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha dalkaasi Jimmy Morales iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyhau.
Waxay qeyla dhaan caalami ah ka dhalatay safaaradii maraykanka ee Tel Aviv ee isniintii loo wareejiyay Jerusalem.
Quddus ayaa waxaa ka taagan muran dhanka lahaanshaha ah oo u dhexeya dowlada Falastiin iyo Israa’iil .
Israa’iil ayaa tan iyo sanadii 1967-dii haysatay bariga Quddus.