SHARE

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay inay hakad gelisay wahadal kala dhexeyay kuuriyada koonfureed.
Maanta oo arbaco ah ayaa lagu waday in wadahadalo heer sare ah ay dhax maraan labada dhinac kadib markii ay horay u kulmeen mas’uuliyiinta ugu sareysa.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in hakinta wadahadalada ay ku timid caro ka dhalatay dhoolatusyo milateri oo ay Koonfurta iyo Mareykanku wada sameeyeen.
Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA ayaa ku warameysa in dhuultusyada ay wadajirka u wadaan Mareykanka iyo Koonfurta ay yihiin daandaansi ka dhan ah xukuumada Pyongyang.