SHARE

Wasirika wasaaradda dowlad wadaajinta Eugene Wamalwa ayaa sheegay in ismaamulka Makueni uu noqday midkii ugu horeeyay ee ka faaiido dhaqaalaha midowga yurub uu ku tageerayo nidaamka dowlad wadaajinta ee loo yaqaano (IDEAS).
Barnaamijkan waxaa qeyb ka ah 15 ka mid ah maamul goboleedyada dalka sida Baringo, Kwale, Wajeer, Taita Taveta, Tana River, Migori, Kisii, Kisumu, Nyandarua, Laikipia, galbeedka Pokot, Samburu, Marsabit iyo Uasin Gishu oo la siinayo 110 milyan oo doolar oo loogu talagalay hormarka dhaqaale.
Mr. Wamalwa ayaa sheegay in Makueni ay buuxisay shuruudihi looga baahnaa si ay u hesho deeqdaasi.
Wasirika ayaa intaasi ku daray in dowlada dhexe iyo midowga yurub ay iska kaashanayaan sidii fursado shaqo iyo dhakliga loogu sameyn lahaa ismaamuladaasi.