SHARE

Siyaasiga ka tirsan mucaaradka Nasa ee horay laba mar wadanka looga tarxiilay Miguna Miguna ayaa lagu wadaa inuu dib u soo laabto afarta galabnimo ee maanta.
Waxaa qareen si iskiis ah ugu dhawaaqay inuu yahay taliyaha dhaqdhaqaaqa qaran ee iska cabinta oo ay dowladu mamnuucday loona yaqaano NRM.
Dowlada Kenya ayaa markii la tarxiilayay sheegtay in joogitaankiisa aysan ku jirin dan qaran sido kalena uusan dib u codsan in la siiyo baasaboor kenyaan ah kadib markii uu qaatay jinsiyadda Canada.
Hasa ahaate Miguna oo sheegashada dowlada beeniyay aya ku adkeysanaya inuu muwaadin kenyaan ah yahay sidaa awgeedna uu dalka dib ugu soo laaban doono.
Shalay ayay ahayd markii Guddoomiye ku xigeenka guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee KNCHR George Morara, uu waaxda socdaalka ee dalka ku eedeyay inay diiday in baasaboorka dalka ay ku wareejiso siyaasiga laba mar la tarxiilay ee Miguna Miguna.
Waxaanan la ogeyn sida xaalku uu noqon doono kadib marka 4-ta galabnimo ee maanta ka soo dego gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA , magaaladatanI Nairobi.