SHARE

Dab ka kacay qeybta jiifka ee dugsiga sare ee wiilasha ee WAA oo ku yaallo ismaamulka Kwale ee gobolka xeebta ayaa lagu soo waramaya inay ku dhaawacmeen 5 arday ah.
Maamulaha xaruntaasi waxbarasho Julius Changawa ayaa sheegay in ardayda ay soo gaareen dhaawacyo fudfudud sidaa awgeedna isbitaalada lagu daweynayo.
Mr Changawa ayaa intaasi ku daray in xaalada ardayda dhaawacmay aynan halis ahayn sidaa awgeedna uu waalidiinta ugu baaqaya inay deganaansho muujiyaan.
Dabka ayaa qeybta jiifka ka kacay 8-dii iyo qadar 30 daqiiqo ee xalay xili ardayda ay casharo dheeraad ah qaadanayeen.
Mr Changawa ayaa carrabka ku dhuftay in illaa iyo hadda aanan la ogaan sababta keentay in dabka uu qabsado xarunta uu burburiyay oo hooy u ahayd in ka badan 100 arday ah.
Sarakiisha dab damiska ee shirkadda SGA iyo ardayda ayaa iska kaashasday in dabkaasi la damiyo.
Toddobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii la xiray dugsiga sare ee Msambweni kadib markii laga warhelay qorsho lagu doonayay in dab lagu qabadsiiyo.