SHARE

Qaar ka mid ah haweenka ku nool ismaamulka Nairobi ayaa maanta dibadbaxyo ka dhigay gudaha caasimadda dalka iyagoo muujinaya sida ay uga xunyihiin dhacdo faraxumeyn ah oo maalmo ka hor laga soo tabiyay dugsiga sare ee gabdhaha ee Moi , magaaladatani Nairobi.
Waxay tageen xafiiska wasaaradda waxbarashada ee dalka waxayna ku baaqeen in gacanta lagu soo dhigo qofkii falkaasi ku kacay.
Shakhsiyaadka u ololeeya xuquuqul aadanaha iyo arrimaha bulshada ayay u soo jeediyeen inay ka hadlaan dhibaatada dhacday.

Sarakiisha wasaaradda waxbarashada ee dalka ee ay la kulmeen ayaa u xaqiijiyay in tallabo wax ku ool ah laga qaadayo cid kasta oo lagu helo faraxumeyntaasi la sheegay.