SHARE

Miguna Miguna oo guddoomiyaha ismaamulka Nairobhi Mike Sonko uu u soo magacaabay inuu ku xigeen u noqdo ayaa magaciisa toddobakan la horgeynaya wakiilada golaha hoose ee ismaamulka Nairobi.
Guddoomiyaha golahan Beatrice Elachi ayaa maanta sheegtay in wakiilada ay turxaan bixin ku sameynayaan soo xulashada Miguna si ay u ansaxiyaan ama daaqada uga tuuraan.
Waxay intaasi ku dartay in turxaan bixinta la sameynayo xita iyadoo Miguna oo laba mar laga tarxiilay dalka uu ku maqanyahay wadanka Canada.
Soo magacaabidda siyaasigan ka tirsan mucaaradka Nasa ayaa muran dhalisay iyadoo Mike Sonko uu sheegay in hadii aanan la ansaxinin uu mas’uul kale soo xulanayo.
Guddoomiyaha Nairobi Mike Sonko ayaa 18-kii bishii May ee sanadkan magaca Miguna Miguna ku wareejiayy golaha hoose ee caasimadda dalka.
Mike Sonko ayaa warqad uu qoray ku sheegay in siyaasiga uu soo magacaabay uu u qalmo sida dastuurka ku qeexan inuu buuxiyo xilkii uu bishii jannaayo iska casilay Polycarp Igathe.