SHARE

Ciidamada amaanka ee dalka Ugandha gaar ahaan degaanka Arua ee waqooyiga wadankaasi ayaa si weyn u adkeeyay amniga kadib markii Jimcihii halkaasi lagu dilay xildhibaan caan ah oo baarlamaanka dalkasi ka tirsanaa
Taageerayaasha siyaasigan oo lagu magacaabi jiray Ibrahim Abiriga ayaa dhigay dibadbaxyo iyagoo burburiyay hanti islamarkana isku dayay in ay weeraraan saldhig booliis.
Madaxwayne Yoweri Museveni ayaa lagu wadaa in uu ka qaybgalo aaska Mr Abiriga maanta oo Isniin ah.
Boqolaal dhalinyaro ah ayaa Axaddii isugu soo baxay garoonka magaalada Arua ee waqooyiga Uganda si ay u soo dhaweeyaan maydka xildhibaankii deegaankaasi Ibrahim Abiriga.