SHARE

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa maanta lagu wadaa inay qabato kulan ay ka qeyb galayaan sarakiisha guddiga adeega macalimiinta ee TSC iyo waalidiinta ardayda dhigata dugsiga sare ee gabdhaha ee Moi, magaaladatani Nairobi.
Shalay ayay ahayd markii xaruntaasi waxbarasho dib loo furay kadib toddobaad ay xirneyd.
Wasiiradda wasaaradda waxbarashada ee dalka Amina Maxamad ayaa horay u soo saartay amarka dugsigaasi albaabada la isugu dhuftay kadib markii la soo tabiyay in la faraxumeeyay gabadh dhiganeysay fasalka labaad.
Amina Maxamad ayaa dhanka kale soo saartay guddi ka kooban sagaal xubnood oo si ku meel gaar ah u maamulaya dugsigan.
Kulanka maanta qabsoomaya ayaa diiradda lagu saaraya xaaladda guud ee dugsiga sare ee Moi iyo sida lagu xaqiijin karo badqabka ardayda.
Waxaa uuna imaanaya iyadoo waalidiinta qaar ay walaac ka muujinayaan inaysan jirin cid weli loo soo qabtay faraxumeyntii la sheegay.
Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Kwale ee gobolka xeebta ayaa sheegaya in 5 arday ah ay ku dhaawacmeen dab xalay ka kacay mid ka mid ah qeybaha jiifka ee xaruntaasi.