SHARE

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah golaha sahcabka Soomaaliya ayaa sheegay in gobolada Bay,Bakool iyo Jubada Hoose ay adag tahay in la isaga gudbo safar dhanka dhulka ah maadaama deegaano badna ay kaga sugan yihiin dagaalameyaasha AL-shabab.
Xildhibaanka ayaa sheegay in wadooyinka xiriiriya goboladaas ay yihiin kuwo go’doonsan ayasana dadka shacabka ahi isku gudbi Karin asagoona dowlada Soomaaliya iyo maamulada Xubanah ka ah ugu baaqay inay isku furan gobolada iyo deegaanada Go’doonsan oo shacabka ay dhibaatooyinka kala kulmaan.

Ururka AL-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta ee ku sugan Soomaaliya waxay wali maamulaan deegaano badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah gaar ahaan deegaano hoos yimaada maamulka koofur galbeed,wadooyin badan oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha ayaysana jirin cid hada isaga gudubta maadaama ay bulshada qabaan cabsi ku aadan inay dhibaatooyin kale kulmaan halka masuuliyiinta dowlada Soomaaliyana ay diyaarado raacaan markay u kala gooshayaan gobolada dalka qaarkood.