SHARE

Maxkamad ku taalo wadanka Ciraaq ayaa amartay in xabsiga loo taxaabo afar qof oo lagu eedeyay inay ka dambeyeen dhacdadii maalmo ka hor uu dab ku qabsaday bakhaar weyn oo la dhigay sanduuqyada codbixinta.
Waxaa halkaasi yaalay sanduuqyo ay ku jireen codadkii ay shacabka Ciraaq ka dhiibteen doorashadii baarlamaaniga ee dhawaan dhacday.
Saddax ka mid ah eedeysanayaasha ayaa boolis ah halka midka afaradna uu ka mid yahay shaqaalaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ee xukuumada Baghdaad.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii baarlmaanka wadankaasi uu ansaxiyay in dib loo tiriyo 11 milyan oo ah codadkii la dhiibtay.
Ra’iisul wasaaraha wadankaasi Xaydar Al-cabadi ayaa dhankiisa xarunta la gubay ku tilmaamay shirqool ka dhan ah qaranimada iyo dimuqaradiyadda Ciraaq.