SHARE

Afhayeenka ciidamada booliska ee dalka Charles Owino ayaa sheegay in si weyn loo adkeeyay amniga degaanada hoos tago gobolada kala ah waqooyi bari iyo xeebta.
Tallabadan ayaa ku soo beegmaysa maalmo un kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in laga war helay khatar dhanka amniga ah.
Waaxda qaran ee adeega booliska ayaa horay bayaan ay u soo saartay shaaca kaga qaaday in la helay macluumaad dhanka sirdoonka ah oo lagu kalsoonyahay oo ku saabsan in xarakada Al-shabaab qorsheynayso inay weeraro ka geysato ismaamulada Garissa, Wajeer, iyo Mandhera ee gobolka waqooyi bari iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada xeebta.
Mr.Owino, ayaa intaasi ku daray in ciidamo dheeraad ah la geeyay degaanada Witu, Mpeketoni iyo qeybaha kale ee ismaamulka Lamu.
Shacabka ku nool hareeraha keynta Boni ee maamul goboleedka Lamu ayuu ugu baaqay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.