SHARE

Xildhibaanada baarlamaanka wadanka Vietnam ayaa ansaxiyay sharci muran dhaliyay oo ku aaddan isticmaalka intarneetka iyo aaladaha loo adeegsado.
Amaanka baarlamaanka Vietnam ayaa si weyn loo sugayay maadaama maalmo ka hor ay dhaceen dibadbaxyo.
Sharcigan oo ay u codeyeen boqolkiba 91 ee xildhibaanada ayaa dhigaya in shirkadaha Facebook ,Google iyo shirkadaha kale ee caalamiga ee teknolojiyada ay keydiyaan macluumaadka khaaska ah ee dadka isticmaalo .
Shirkadahan ayaa sido kale looga fadhiyaa inay xafiisyo ka furtaan gudaha wadanka Vietnam.