SHARE

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray deegaano kala duwan oo ay ku sugnaayeen AL-shabab.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qaybta 52–aad Axmed Maxamed Maxamuud Tareedisho ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen xubno badan oo ka tirsan Shabaab.
Dagaal ka dhacay deegaanka Moqokari ee gobolka Hiiraan ayuu taliye Tareedisho sheegay inay xoogaga AL-shabaab kaga dileen in ka badan 70 dagaalame halka ayagana ay kaga dhiteen 8 asakri sida uu sheegay.

Ciidamada xooga Soomaaliya oo garabsanaaya kuwa heshisheeya ayaa maalmihii ina dhaafay waxay weearo ku qaadayeen fariisimo ay ku sugnaayeen AL-shabab oo ka tirsan gobolada Hiiraan,Jubooyinka shabeelooyinka.
Dhanka kale madaxweynaha maamulka Hirshabeele ayaa xalay kulan afru ah hoyga uu ka dagan yahay magaalada muqdisho ugu sameeyay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya.
Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii wax looga qaban lahaa ammaanka deegaanada hoos yimaada maamulka Hirshabelle oo qaar ka mid ah ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab shacabkuna ay dhibaatooyin kala kulmaan.