SHARE

Musalia Mudavadi oo ka mid ah madaxda sar sare ee urur weynaha mucaaradka Nasa ahna hoggaamiyaha xisbiga ANC ayaa ku gacan seyray baaq ah in la kala diro garabka ugu weyn mucaaradka wadanka.
Arrintan ayaa timid kadib markii Barrack Muluka oo ka mid ah falanqeeyaasha siyaasadeed ee dalka uu soo jeediyay in Nasa la kala diro.
Musalia Mudavadi oo horay u soo noqday ra’iisul wasaare ku xigeen ayaa sheegay in urur weynaha mucaaradka Nasa uu weli awood siyaasadeed oo adag leeyahay.
Waxaa uu intaasi ku daray in garabka mucaaradka ee Nasa uu sii jirayo maadama sida uu hadalka u dhigay lagu soo dhisay fikrad uu la yimid ka hor doorashadii guud ee sanadkii 2017-kii.
Xildhibaanka baarlamaanka sida magacaabista ah ku galay Godfery Osotsi ayaa siyaasiyiinta doonayo mucaaradka Nasa in la jebiyo ku tilmaamay kuwo waayay wax ay ku mashquulaan.
Tani iyo daarashadii Raila Odinga ee 30-kii bishii jannaayo ee sanadkan oo ay ka maqnayeen madaxda kale ee Mucaaradka waxaa sii xoogeysanayay muranka siyaasadeed ee isbeheysiga Nasa ka dhex abuurmay.