SHARE

Waxaa xayiraad qaadaneysa muddo lix bilood ah lagu soo rogay in ka badan 100 akoon bangiyadeed ah oo shirkadaha iyo shakhsiyaadka lala xiriiriyay fadeexadda waaxda qaran ee adeega dhalinyarada ee NYS ay ku leeyihiin ilaa iyo 20 bangi.
Eeedeysanayaashan ayaa loo haystaa inay ku lug lahayeen ugu yaraan 9 bilyan oo la sheegay in laga lunsaday NYS.
Go’aankan ayaa waxaa soo saartay maxkamad ku taaallo Nairobi iyadoo maamulayaasha bangiyadaasi lagu amray inay xaqiijiyaan in akoonada la farfiiqay aanan wax lacag ah lagala bixin.
Maxkamada ayaa arrinkan soo saartay kadib codsi uga yimid sarkaalka dhanka baaritaanada u qaabilsan waaxda ka shaqeysa dib u soo celinta hantida Frederick Musyoki.
26 ka mid ah akoonada xayiraadda la saaray waxaa laga leeyahay bangiga Equity, waxaa soo raaca Cooperative oo laga furtay 20, Standard Chartered 15, Barclays Bank 8, KCB Bank 9, halka Family iyo National Bank ay kala yihiin 5.