SHARE

Maxkamad ku taallo magaaladatani Nairobi ayaa lagu wadaa in maalinta khamiista ah ay go’aan ka gaarto dacwad loo gudbiyay oo ku saabsan gudniinka fircooniga ee loo yaqaano FGM-ka.
Kiiskaasi ayaa waxaa maxkamada geysay Tatu Kamau oo ka mid ah howlwadeenada caafimaadka ee dalka.
Waxay ku doodaysaa in gudniinka fircooniga laga dhigo mid sharci ah oo laga ogolyahay gudaha dalka.
Sido kale waxay sheegtay in sharciga dastuurka dalka qeyb ka ah ee mamnuucayo gudniinkan ee la soo saaray sanadii 2011-kii inuu yahay mid ku xadgudbayo xuquuqda gabdhaha.
Garsoore David Kemei, oo kiiskan dhageysanaya ayaa sheegay inuu go’aan kama dambeys ah ku dhawaaqayo khamiista maadaama qaar ka mid ah dhinacyada qeybta ka ah dacwadan ay codsadeen in wakhti dheeraad ah la siiyo.