SHARE

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jung-un ayaa dalkiisa dib ugu laabtay kadib markii uu la kulmay Donald Trump.
Waxaa uu sheegay in kulanka dhex maray isaga iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump kadib , dunida ay arki doonto isbedel muuqdo.
Donald Trump ayaa dhankiisa hoosta ka xariqiay inuusan rabin in kulankaasi kadib uu hanjabaad u jeediyo kuuriyada waqooyi.
Wuxuu sheegay in dagaal lala galo Kuuriyada Waqooyi ay horseedi karto in ay dhintaan tobannaan milyan oo dad ah oo ku nool Kuuriyada Koonfureed.
Arrintaaski ayuu u sababeeyay in magaalada caasimadda ah ee Seoul ay ku taallo meel u dhaw xadka Kuuriyada Waqooyi.
Madaxweyne Trump ayaa carrabka ku dhuftay in durba la qaadi doono cunaqabataynta Kuuriyida Waqooyi saaran, marka ay xaqijiyaan in nukliyeer uu meesha ka baxay.