SHARE

Siihayaha safaarada Soomaaliya ee magaalada Nairobi ahna qunsulka saraafada Soomaaliya ee dalkani Kenya Cali Bagadi ayaa booqday xabsiga ay ku jiraan ilaa afar dhalinyarao Soomaali ah kuwaasoo uu u dhamaaday mudadii xukunkooda laguna wado inay todobaad kadib dalkoodii hooyo dib ugu laabtaan.
qunsulka ayaa maxaabiistaas gaarsiiyay dhar iyo agab kale wuxuuna xusay in ayadoo laga jawaabayo amarkii madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’isulwasaahara ee ahaa in laga war qabo dadka maxaabiista ku ah dalka dibadiisa ay talaabadaan qaadeen.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ugu danbayn bisha August ee sanadkaan ay soo gabagaboobayaan guud ahaan dadka ku xiran dalka Kenya ee maxaabiista ah kuwaasoo ay u dhamaanayso waqtikooda xabsiga.

10-kii sano ee la soo dhaafay xabsiyo badan oo ku yaala wadamada caalamka waxaa lagu hayay boqolaal dhalinyarao Soomaali ah kuwaasoo siyaabo kala duwan looga soo qabtay biyaha Soomaaliya iyo aagag ka baxsan kadib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal la xiriira burcad-badeednimo waxaana lagu xukumay xabsiyo kala duwan qaar ka mid ah waxya dib xoriyadoodii u heleen markii ay dhamaysteen mudadii xukunkooda halka qaar kale lagu soo daayay heshiisyo ay dowlada Soomaaliya la gashay dalalkii horay dadkaas u xukumay.