SHARE

Xoghayaha wasaaradda qorsheynta Julius Muia ayaa maanta lagu wadaa inuu hor tago xildhibaanada baarlamaanka dalka si su’aalo looga weydiyo fadeexad la sheegay in lacago looga lunsaday waaxda qaran ee adeega dhalinyarada ee NYS.
Mas’uulkan ayaa ka jawaabi doono su’aalo la filayo inay u soo bandhigaan xubnaha guddiga baarlamaanka ee xisabaadka ee PAC.
Karaaniga baarlamaanka dalka Michael Sialai ayaa sheegay in xoghayaha wax laga weydiinayo warbixin ka soo baxday xafiiska hanti dhowraha guud ee wadanka Edward Ouko.
Sido kale waxaa guddiga PAC ka soo hormuuqanaya wasiiradda cafimaadka ee dalka Sicily Kariuki iyo dhigeeda adeega dadweynaha Margaret Kobia .
Sicily Kariuki ayaa wasiiradda adeega dadweynaha iyo dhalinyarada ahayd xiligii la sheegay in la lunsaday ugu yaraan 9 bilyan oo shilin.