SHARE

Xoghayaha wasaaradda qorsheynta ee dalka Julius Muia ayaa maanta ka soo hormuuqday xubnaha gudiga baarlamaanka u qaabilsan xisabaadka ee PAC.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in su’aalo laga weydiiyo fadeexad la sheegay in lacago looga lunsaday waaxda qaran ee adeega dhalinyarada ee NYS.
Waxaa wehelinaysay oo sido kale guddigaasi hor tagtay xoghayaha wasaaradda jinsiyadda Safina Kwekewe.
Guddiga PAC ee uu guddoomiyaha ka yahay xildhibaanka degaanka Ugunja Opiyo Wandayi aya kulankaasi dib u dhigay ilaa iyo inta labada wasiir ay ka soo hormuuqanayaan.
Dhanka kale wasiiradda cafimaadka ee dalka Sicily Kariuki iyo dhigeeda wasaaradda adeega dadweynaha, dhalinyarada iyo jinsiyadda Prof. Margaret Kobia ayaanan baarlamaanka iska xaadirin in kastoo loo yeeray.
Karaaniga baarlamaanka dalka Michael Sialai ayaa horay u sheegay in xoghayaha wax laga weydiinayo warbixin ka soo baxday xafiiska hanti dhowraha guud ee wadanka Edward Ouko.
Sicily Kariuki ayaa wasiiradda adeega dadweynaha iyo dhalinyarada ahayd xiligii la sheegay in waaxda qaran ee adeega dhalinyarada ee NYS laga lunsaday ugu yaraan 9 bilyan oo shilin.
Hasa ahaate maanta meynan ka soo hormuuqan guddiga PAC maadaama sida la sheegay ay marwada koobaad ee dalka Margaret Kenyatta ku wehelinayso kulan ku saabsan hoggaanka oo ka dhacaya washington.
Sido kale waxaanan faahfaahin laga bixin sababta keentay in Margaret Kobia, wasiiradda adeega dadweynaha aynan ka soo hormuuqan guddigaasi.