SHARE

Munaasabadda ciidul fidriga in loo dabaaldego waxaa naga xiga maalmo kooban.
Magaalooyinka kala duwan ayaa si weyn looga dareemaya diyaar garowga loogu jiro iyo sida waalidiinta ay ugu dadaalayaan inay dhar u iibiyaan carruurtooda.
Sheeikh Xassan Cabdullahi Cameey oo ka mid ah culimaaudiinka ismaamulka Gariisa ayaa bulshada muslimiinta ah ugu baaqay inay gacan u fidiyaan oo maalinta ciidda ay ka farxiyaan agoonta iyo dadka danyarta ah ee ku dhex nool.
Waxaa uu sido kale ku booriyay shacabka inay ka faaiideystaan kheyrka maalmaka ka haray bisha oo ay labalabaan dadaalkooda ku aaddan cibaadada.

Sh Xassan Cabdullahi Cameey