SHARE

Agaasimaha waaxda dacwad oogista ee dalka Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay in guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC uusan caddeymo adag u hayn saddax ka mid ah afar kiis oo uu u gudbiyay.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in guddiga EACC uu soo jeediyay in dacwado lagu soo oogo afar ka mid ah guddoomiyaasha ismaamulada dalka hasa ahaate hal kiis oo keliya lagu tallaaba qaadi karo.
Mas’uuliyiintan ayuu guddigu ku eedeyay falalka musuqmaasuqa hasa ahaate waxa qabya ah caddeymaha eedeymahaasi loo cuskan karo.
Mr Haji ayaa arrinkan shaaca ka qaaday xilii uu ka soo hormuuqday guddiga arrimaha dastuurka ee aqalka sare ee senetka.
Waxaa uu xubnaha guddigaasi u sheegay inuu EACC ku celiyay feelalka ama dokumeentiyada saddax kiis si ay u soo dhameystiraan waxyaabaha ka maqan.
Hasa ahaate Nuurdiin Xaaji ayaa ka gaabsaday inuu sheego magacyada barasaabyada la eedeeyay isagoo hoosta ka xariiqay in taasi ay saameyn ku yeelan karto baaritaanada lagu guda jiro.
Toddobaadkii hore ayuu madaxa fulinta ee guddiga EACC, Halakhe Waqo xubnaha guddia dastuurka ee aqalka sare u sheegay inay haystaan caddemyo ku filan oo lagu maxkamadeyn karo afarta mas’uul sidaa awgeedna isbuucan gudihiisa dacwad lagu soo oogayo.
Waxaa uu sido kale sheegay in guddiga EACC uu baaritaano sameynayay muddo hal sano ah sidaa awgeed cadeeymaha ay hayaan ay yihiin kuwo la cuskan karo.