SHARE

Hoggaamiyaha maamul goboleedka Nairobi Mike Sonko ayaa sheegay inuu ogolaaday go’aan wakiilada golaha hoose ay dhinac isaga dhigeen magaca siyaasiga ka tirsan mucaaradka NASA , Miguna Miguna oo loo soo magacaabay inuu Sonko ku xigeen u noqdo.
Wakiilada ayaa go’aanka ay qaateen ku saleeyay in dastuurka hadda wadanka laga isticmaalo uusan ogoleyn in qofku uu haysto laba jinsiyadood taasina ay caqabad ku noqotay soo magacaabidda Miguna.
Miguna Miguna oo laba mar wadanka laga tarxiilay ayay dowladu sheegtay inuu haysto jinsiyadda Canada.
Bayaan uu soo saaray Mr. Sonko ayuu ku sheegay inuu qadarinayo go’aanka wakiilada wada tashi kadibna uu u gudbin doono magaca mas’uul kale.
Xilka ku xigeenka guddoomiyaha ee uu Sonko doonyay inuu Miguna Miguna buuxiyo ayaa bannaanaday bishii jannaayo ee sanadkan kadib markii uu iscasilay Polycarp Igathe.
Dhanka kale ciidamada booliska ee ismaamulka Nairobi ayaa raadinaya burcad xalay laba baabuur afduubtay.
Waxay burcadaasi la baxsadeen labo ka mid ah baabuurta u kala goosho xaafadaha kala duwan ee loo yaqaano mataatuuda iyagoo rakaabkii saarnaana hantidooda ka dhacay.
Taliyaha booliska ee Nairobi Joseph Ole Tito ayaa sheegay inaysan jirin cid ilaa iyo hadda falkaasi loo soo xiray balse sarakiisha ay raadinayaan darawaliinta gawaridaasi si ay uga caawiyaan dhanka baaritaanada.