SHARE

Wararka naga soo gaaraya dalka Malaysia ayaa sheegaya in la filayo inay xilalkooda iskacasilaan laba ka mid ah garsoorayaasha wadankaasi.
Mas’uuliyiintan ayaa ah sarakiil sar sare waxayna tallaabada ay xafiisyada ku banneynayaan imaaneysa iyadoo maamulka ra’iisul wasaare Mahathir Maxamad uu bartilmaameedsanayo xubno aad ugu dhawaa maamulkii uu talada kala wareegay.
Waxaa muddo hal bil ah sara u kacday tirada howlwadeenada dowlada Malaysia ee shaqada laga ceyriyay ama iscasilay.
Madaxii cadaaladda ee Malaysia Raus Sharif iyo mas’uulka ugu sarreeya ee maxkamada racfaanka Zulkefli Axmad Makinudin ayaa shaqada dhinac uga istaagi doono 31-da bisha toddobaad ee sanadkan.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay xafiiska madaxa diiwangelinta ee garsoorka Malaysia.