SHARE

Qaar ka mid ah madaxda wadamada caalamka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay kulankii taarikhiga lagu tilmaamay ee dhex maray hoggaamiyaasha ugu sarreeya ee dalalka Maraykanka iyo kuuriyada Waqooyi ee kala ah Donald Trump iyo kim jong-un.
Ku xigeenka wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Ryabkov ayaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku amaanay tallabada uu qaaday ee lagu soo afjarayo colaaddii kala dhexeysay kuuriyada waqooyi.
Waxaa bayaankaasi qeyb ka ah in xukuumada Moscow ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato dhaqangelinta waxyaabaha lagu heshiiyay.
Ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa isna soo dhaweeyay heshiiska ay gareen labada mas’uul ee ku kulmay wadanka Singapore.
Waxaa uu shirkaasi ku tilmaamay tallabadii ugu horreysay ee la qaado si gayiga kuuriya looga saaro nukliyeerka in kastoo uu sheegay inay jiraan waxyaabo intaasi ka badan oo la doonayo in la sameeyo.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada ee shiinaha Geng Shuang ayaa isna sheegay in xayiraadda saaran kuuriyada waqooyi ay suura gal tahay in la qaado.
Dowlada iiraan ayaa dhankeeda kuuriyada waqooyi ku boorisay inay taxaddar dheeraad ah muujiso.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa dhankiisa beesha caalamka ugu baaqay inay soo dhaweyso oo ay tageerto heshiiskaasi.
Maraykanka iyo kuuriyada waqooyi ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo sareen ku sheegay inay madaxdooda isku afgarteen in la sii xoojiyo cilaqaadka ka dhexeya.
Trump iyo Kim ayaa sido kale isla soo hadal qaaday heshiisna ka gaaray hubka nukliyeerka.
Hoggaamiyaha xukuumada Pyongyang Kim Jong-un ayaa ogolaaday inuu meesha ka saaro barnaamijkiisa hubka nukliyeerka halka Trump uu dhankiisa sheegay in xayiraadii wadankaasi saarneyd meesha laga saarayo oo keliya marka la xaqiijiyo in nukliyeerka la burburiyay.
Maraykanka iyo kuuriyada waqooyi ayaa waxaa tan iyo sanadii 1953-dii ka dhexeyay xiriir aanan wanaagsaneyn .