SHARE

Ra’iisul wasaaraha wadanka Ciraaq Xaydar Al-cabadi ayaa ku gacan seyray baaqyo ku aaddan in mar kale la qabto doorashadii baarlamaaniga ee dhawaan dhacday.
Waxaa uu wacad ku maray in cid waliba oo isku daydo inay carqaladeyso geedisocodka siyaasadeed tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo.
Ra’iisul wasaaraha ayaa intaasi ku daray in codeyntii ay qabsoontay , la doonayo inaan dib loo laaban balse horay loo socdo si dowlad cusub loo soo dhiso.
Waxaa uu ka jawaabayay in qaar ka mid ah xildhibaanada dalkaasi ay soo jeediyeen in dib loo tiriyo 11 milyan codad ah oo la dhiibtay.
Xaydar Al-Cabadi ayaa dab ka kacay bakhaar la dhigay sanduuqyadii codeynta ku tilmaamay mid si ula kac ah loo sameeyay.