SHARE

Xilli dambe oo xalay ah ayuu ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xassan cali Khayre wuxuu kormeer ku sameeyay sida ay u shaqeeyaan Xarunta C.I.D, Dugsiga tababarka Gen. Kaahiye, Taliska Ciidanka ilaalada Nabad gelyada wadooyinka iyo Xarunta Gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Dhammaan goobihii uu tagay wuxuu kula kulmay Ciidan Soomaaliyeed oo isugu jiray kuwo howlahooda caadiga ah watay iyo cutubyo cusub oo lagu soo tababaray dalka Jabuuti kuwaasoo la doonayo inay qayb ka noqdaan ciidamada nabad galyada Soomaaliya.
Ciidamadaan cusub ayaa kala ahaa labo dufcadood oo lagu sooo tababaray wadanka jamhuuriyada Jabuuti sida uu sharaxayo taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen Bashiir Cabdi Maxamed.

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale ayaa xusay in dhalinyaradan oo wax soo baratay ay diyaar u diyiin difaaca dalkooda hooyo.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo la hadlayay ciidamada cusub ayaa kaga madceliyay dowlada Jabuuti sidoo kale wuxuu kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan hormarka amaanka dalkooda isagoo dhanka kalena shacabka ka codsaday inay laamaha amaanka si wanaagasan ula shaqeeyaan.