SHARE

Waxaa beeri caasimadda dalka Ruushka ee Moscow ka bilaabanaya tartanka cayaaraha aduunka ee loo yaqaano World Cup sanadka 2018 –ka.
Sanadii 2010-kii ayay ahayd markii xiriirka caalamiga ee cayaaraha ee FIFA uu Ruushka u ogoladay inay sanadkan koobka aduunka maartigeliso.
32 koox oo ka kala socdo guud ahaan caalamka ayaa muddo hal bil ah tartanka ka qeyb galaya waxaana ciyaarta kama dambeyska ah ay dhici doontaa 15-ka bisha toddobaad ee sanadkan.
Waxaa dhici doono ilaa iyo 64 tartan cayareed ah.
Waxaa ugu horreyn wada cayaari doono kooxda Ruushka iyo boqortooyada Sacuudi carabiya oo isku arkaya fagaaraha Luzhniki
12 ka mid ah garoomada waaweyn ee Ruushka oo ku yaalo 11 magalooyin ah ayay cayaarahan ka dhacayaan.
Qeybta koobaad waxaa ku jiro wadamada kala ah
Russia ,Saudi Arabia ,Egypt ,Uruguay
Group B ama kooxda labaad waxaa ku jiro Portugal ,Spain,Morocco iyo Iran
Group C waxaa ka mid ah France , Australia ,Peru ,Denmark
Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad ku maqli doontaan wararkayaga dambe iyadoo inta uu tartanka socdana aan idiin soo gudbin doono wararka ku aaddan.