SHARE

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shacabka ku boorisay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan maadaama afar cudur laga soo tabiyay qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka.
Agaasimaha waaxda adeegyada caafimaadka ee dalka Dr. Jackson Kioko ayaa carrabka ku dhuftay in tani iyo bishii jannaayo ee sanadkan , qaar ka mid ah ismaamulada dalka laga soo sheegay inay ka dilaaceen xanuunada kala ah Daacuunka, jadeecada, kaduudiyaha iyo cudurka loo yaqaano Rift Valley Fever.
Dr Kioko ayaa intaasi ku daray in wasaaradda caafimaadka ay ismaamulada cuduradan saameyeen kala shaqeynayso sidii loo xaqiijin lahaa inaysan sii faafin.
Agaasimaha ayaa hoosta ka xariiqay in tan iyo bilowgii sanadkan la soo tabiyay 4,954 oo ah kiisas la xiriira daacuunka halka 75 qof ay u dhinteen.
Maamul goboleedyada xanuunadan ay saameyeen waxaa ka mid ah Mombasa, Garissa, Siaya, Tharaka-Nithi, Meru, Kirinyaga, Busia, Tana River, Turkana, Murang’a, Trans Nzoia, West Pokot, Nairobi, Nakuru, Isiolo, Machakos, Elgeyo-Marakwet, Kiambu iyo Kilifi.
Dr Kioko ayaa sido kale sheegay in sagaal ismaamul ay ku guuleysteen inay si buuxda u xakameyaan cudurada laga soo tabiyay.
Wasaaradda caafimaadka ayaa siyaabaha ay uga ficil celisay waxaa ka mid ah in la soo saaray guddi qaran oo ka shaqeynaya la tacaalidda daacuunka.
Dr. Kioko ayaa sheegay in wasaradda ay sido kale soo saartay digniino iyo macluumaad dadweynaha lagu barayo cudurada iyo sida loo maareyn karo.
Agaasimaha waaxda adeegyada caafimaadka ee dalka ayaa xusay in ismaamulada Wajeer iyo Mandhera laga soo tabiyay 39 iyo 103 kiis oo ku saabsan jadeecada.
Dr Kioko ayaa qeexay in maamul goboleedka Mombasa laga soo sheegay 1,302 kiis oo ah kaduudiyaha halka 32 ka mid ah lagu xaqiijiyay baaritaano laga sameeyay sheybaarada.
Maamul goboleedka Lamu. Kaduudiyaha waxaa uu ku dhacay 199 qof iyadoo afar ka mid ah lagu xaqiijiyay sheybaarada, kilifi waxaa uu ku dhacay 7 qof.
Dr Kioko ayaa hoosta ka xariiqay in toddobaadkii la soo dhaafay 15 kiis oo ah cudurka loo yaqaano Rift Valley Fever laga soo tabiyay ismaamulka Wajeer waxaana ilaa iyo hadda u dhintay 5 qof.