SHARE

Ugu yaraan 24 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen shil ka dhacay wadanka Turkiga kadib markii tareen ku sii jeeday magaalada Istanbuul uu wadada ka baxay.
Ku xigeenka ra’iisul wasaaraha dalkaasi Recep Akdag ayaa sheegay in dadkaasi ay dhinteen xili tareen ay saarnayeen uu marayay waqooyiga galbeed ee Turkiga.
Tareenka ayaa ka soo ambabaxay magaalada Kapikule ee ku taalla xadka Turkiga uu la wadaago wadanka Bulgariya
Telefishiinka dowladda Turkiga ee TRT ayaa baahiyey tareenka qallibmay iney saarnaayeen 362 qof oo ay 6 ka mid ah yihiin shaqaalaha tareenka.
Ilaa iyo hadda si rasmi ah uma cadda sababta keentay shilkaasi wallow sarakiisha qaar ay sheegayaan inuu ka dhashay cimilada oo xumeyd iyo dhul go’ goobtaas ka dhacay.
Madaxweynaha Turkiga ee lagu wado in maanta mar kale la dhaariyo Recep Tayyip Erdogan ayaa tacsi u diray dadki ku waxyeelloobay shilkaasi .
Waxaa uu intaasi ku daray in shilka dhacay lagu sameynayo baaritaano xeel dheer si loo xaqiijiyo sababta ka dambeysay.
Guddoomiyaha gobolkaTekirdag Mehmet Ceylan ayaa sheegay in shilka loo aaneynayo roobab lixaad leh oo da’ay