Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo aqalka madaxtooyada ku soo dhaweeyay dhigiisa Switzerland Alain Berset

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa madaxtooyada wadanka ku soo dhaweeyay dhigiisa Switzerland Alain Berset iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Labada dhinac ayaa wada saxiixday heshiis ku aaddan in dib loo soo celiyo hantida lagu helo qaab musuqmaasuqa ah hadii lagu keydsado bangiyada ku yaalo Kenya iyo Switzerland.
Hoggaamiyaha Switzerland ayaa mahadcelin kadib sheegay in dowladiisa ay ka go’antahay in la sii xoojiyo xiriirka taarikhiga ah ee ka dhexeya labada wadan.
Mr. Kenyatta ayaa dhankiisa sheegay in dowlada Switzerland ay gacan ka geysatay in la dhiso machadka lagu barto dalxiiska ee Utali College.
Sido kale waxa uu hoosta ka xariiqay inay lagama maarmaan tahay in sara loo sii qaado wada shaqeynta dhanka amaanka iyo cilaqaadka caalamiga ah.
Dowlada Switzerland ayuu sido kale madaxweynaha dalka uga mahadceliyay mashariicda ay ka fuliso degaanada oomanaha ah ee loo yaqaano ASAL.
Mr. Kenyatta ayaa intaasi ku daray in marnaba aanan laga daali doonin la dagalaanka musuqmaasuqa welina sara loo sii qaadayo maadaamada sida uu hadalka u dhigay falalkaasi ay wax u dhimayaan kalsoonida dalka ay ku qabi karaan maalgashatada shisheeye iyo deeqbixiyaasha caalamiga ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *