SHARE

Wasiiradda wasaaradda waxbarashada ee dalka Amina Maxamad ayaa hadda shir guddoominaysa shir degdeg ah oo ku saabsan sida wax looga qaban karo falalka isa soo taraya ee ardayda ay dab ku qabadsiinayaan xarumaha tacliinta.
Ilaa iyo hadda waxaa la gubay qeybo ka mid ah ugu yaraan 10 dugsi oo ku yaallo gobolkii hore ee Nyanza.
Wasiiradda tacliinta Amina Maxamad ayaa lagu wadaa inay berri tagto Nyanza iyadoo albaabada la isugu dhuftay dugsiyadii la gubay.
Waxaa mararka qaar degaano kala duwan oo wadanka ka tirsan laga soo tabiyaa dhacdooyin ardayda ay dab ku qabadsiiyaan dugsiyada iyagoo inta badan ka cabanayo maamul xumo iyo dhibaatooyin kale.