Xerada qaxootiga ee Kakuma oo la gaarsiiyay deeq ka timid Sacuudi carabiya

Qaxootiga ku nool xerada qaxootiga ee Kakuma ee ismaamulka Turkana ayaa lagu soo waramayaa in loo qeybiyay 120 tan oo cunno ah oo ay ugu deeqday boqortooyada sacuudi carabiya.
Deeqdaasi ayaa sido kale la gaarsiin doonaa qaxootiga tirada badan eek u jiro xeryaha degaanka dhadhaab ee ismaamulka Garissa.
Safaaradda sacuudiga ee dalka aya deeqda ku wareejisay agaasime ku xigeen sare oo hay’adda WFP u qaabilsan dalka laguna magacaabo Brenda Behan.
Haweenaydan ayaa wadamada kale ugu baaqday inay ku daydaan tallabada boqortooyada sacuudi carabiya oo ay soo caawiyaan qaxootiga wadamadooda ka soo cararay.
Mrs. Brenda Behan ayaa intaasi ku dartay in deeqda la bixiyay inta badan loo qeybin doono carruurta iyo hooyooyinka maadaama badankoodu ay saameyso nafaqo darro.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *