SHARE

Ugu yaraan 15 arday oo dhigata dugsiga sare ee Nyakeyo ee dowlad goboleedka Kisii ayaa maanta maxkamada la soo taagaya kadib markii lagu eedeyay inay gubeen laba guri.
Guriyahaasi ayaa waxaa deganaa qoysas ay ardayda ku eedeyeen inay sixreen mid ka mid ah oo geeriyooday maalmo ka hor.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Kisii Xassan Cabdi ayaa warfidiyeenada u xaqiijiyay ardayda gacanta lagu dhigay.
Shalay ayaa dhanka kale maxkamad ku taalo magaalada Maseno ay ka soo hormuuqdeen 5 ka mid ah ardayda dugsiga sare ee dhawaan la gubay ee Chulaimbo oo ku yaalo galbeedka Kisumu
Dacwada lagu soo oogay ayaa waxaa dhageystay garsoore lagu magacaabo Reuben Kipng’eno in kastoo ay iska fogeyeen eedeymaha loo soo jeediyay.
Mid waliba oo ka mid ah maxkamada ayaa ku siidaysay min 30,000 oo ah damiin lacageed.
Waxyaabaha loo haystay waxaa ka mid ah in ay si ula kac ah dab u qabadsiiyeen laba ka mid ah qeybta jiifka oo qarash ahaan lagu dhisay 5 milyan oo shilin.
23-ka bishan toddobaad ee sanadkan ayaa la soo hadal qaadaya kiiska ka dhan ah ardayda halka la dhageysan doono 21-ka bisha sideedaad .