SHARE

Darasaad dhawaan la sameeyay oo ku aaddan shaqaleysiinta ayaa lagu ogaaday in dhalinyarada shaqa doonka ah badankoodu ay qabaan dareen ah in la takoorayo oo aanan la howgelinaynin hadii uusan jirin qof awood ama saameyn leh oo garab qaban karo.
Baaritaanadan oo laga sameeyay magaaladatani Nairobi ayaa lagu sheegay inaysan cadaalad ka jirin qaabka shaqaleysiinta.
Kala bar dadka la wareystay oo dhan 5, 744 qof waxay sheegeen in ka badan muddo 6 bilood ah inay dirayeen codsiyo ay shaqo ku doonayaan.
Waxyaabaha darasaadka ka soo baxay waxaa ka mid ah in boqolkiba 22.3 ee dadkaasi ay dareemayaan in lagu gacan bidixeeyay dhanka howlgelinta halka boqolkiba 25 ay aaminsanyihiin in hadii uusan gacanta ku qaban ama ku tageerin qof saameyn leh aaddan shaqadaasi helaynin.