Dibadbaxyo la filayo inay ka dhacaan degaanka Kibera ee Nairobi

Degaanka Kibera ee magaaladatani Nairobi ayaa la filaya inay maanta ka dhacaan dibadbaxyo looga soo horjeedo dhismooyin dhawaan la dumiyay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in mudaaharaadyada laga dhigi doono wadooyinka Ngong Road ee u dhow xarunta ganacsi ee Uchumi iyo sido kale Mbagathi Way .
Tallabada lagu dumiyay dhismooyinka qaar ayaa bilowday 21-kii bishii lixaad ee sanadkan iyadoo shacabka ku nool Kibera ay walaac ka muujiyeen inaan horay loogu wargelin.
Dowlada ayaa sheegtay in dhulka lagu darayo dhamaan guriyaha laga dhisay meel aanan habooneeyn ee ciriiri ku keenaya isticmaalka wadada.
Waaxda qaran ee kormeerka ku sameysay dhismooyinka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dadka halkaasi degan laga doonayo inay isaga guuraan ka hor 16-ka bishan hadii kalena guriyahooda la duminayo.
Shacabka ayaa loogu baaqay inay ka faaiideystaan fursad la siiyay oo muddo 11 maalmood ah .
Dhanka kale xildhibaanka laga soo doortay degaanka Kenneth Okoth ayaa dowlada ku booriyay inay magdhow siiso shacabka laga dumiyay guriyihii ay deganayeen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *