SHARE

Hogaamiyaha ugu sareeya ee wadanka Switzerland Alain Berset oo dalka ku joogo booqasho rasmi ah ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro xerada qaxootiga ee Kakuma ee ismaamulka Turkana.
Mr.Berset ayaa la filaya inuu beesha caalamka ugu baaqo inay sara u sii qaado tageeridda qaxootiga iyo maareynta howlahooda.
Shalay ayay ahayd markii uu la kulmay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta isagoo khudbad uu ka jeediyay madaxtooyada State House dowlada Kenya uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweysay sanado badana u martigelisay qaxooti ka soo jeedo wadamo kala duwan.
Waxaa uu intaasi ku daray in tirada badan ee qaxootiga ee ku sugan Kenya ay ka dhigantahay in maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Uhuru Kenyatta ay ka go’antahay daryeelka dadka ka soo barakacay dalalkooda hooyo.