Ra’iisul wasaaraha Britain oo magacawday wasiirka cusub ee arrimaha dibadda

Cadaadis xooggan oo la saaray kadib, ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska, Theresa May ayaa soo magacawday wasiirka arrimaha dibadda kadib markii uu iscasilay Boris Johnson.
Waxaa ay sido kale May wajahaysa cadaadis kaga imaanaya xisbigeeda oo ku saabsan qorshaha ingiriiska ee ka bixida midowga Yurub.
Jeremy Hunt ayaa loo magacaabay xoghayaha cusub ee arrimaha dibadda ee ingiriiska waxayna tani timid kadib markii Boris Johnson uu sheegay in uusan la dhacsaneyn qaabka Theresa May ay u wajaheyso ka bixida mdiwoda Yurub.
Boris Johnson ayaa noqonayaa mas’uulkii labaad ee iscasila muddo 24 saac gudahood ah waxaana ka sii horeeyay Mr David Davis oo Britain u qaabilsanaa wadaxaajoodka ka bixitaanka midowga Yurub oo xilkasi loo magacaabay sanaddii 2016.
Arrintan ayaa carqalad horleh ku noqoneysa qorshaha Britain ay uga baxeyso midowga Yurub.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *