SHARE

Xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Antonio Guterres ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay sameyso wax waliba oo fududeyn karo in nabad lagu soo dabaalo dalka suudaanta koonfureed ka hor inta aanan xayiraado waweyn lagu rogin .
Antonio Guterres ayuu ka jeediyay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa halkaasi oo isaga iyo guddoomiyaha guddiga midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ay ku qabteen shir jaraaid.
Mr. Guterres ayaa dagaallo naxdin ku tilmaamay isku dhacyada ka taagan sudaanta koonfureed isagoo carrabaabay kulan dhawaan ka dhacay magaala madaxda suudaan ee Khartoum oo lagu heshiisiinayay dhinacyada iska soo horjeeda ee madaxweyne Salva Kiir iyo Riek Machar.