Amina Maxamad oo loo qabtay 14 maalmood si ay uga jawaabto soo magacaabidda ku xigeenada maamulayaasha jaamacadaha

Maxkamada qaabilsan shaqaleysiinta iyo xiriirka ka dhexeya shaqaalaha ayaa lagu wadaa inay dhageysato kiis looga soo horjeedo in wasiiradda wasaaradda waxbasarashada ee dalka Amina Maxamad ay mar kale dib u soo magacawday 4 ka mid ah ah ku xigeenada guddoomiyaasha jaamacadaha dalka.
Dacwaddan ayaa loo soo wareejiyay qeybta loo yaqaano ELRC ee maxkamada waxaana la soo hadal qaadi doonaa 30-ka bishan toddobaad ee aan ku guda jirno.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka , wasiirka wasaradda tacliinta Amina Maxamad iyo jaamacadda Technical University ayaa lagu amray inay ku soo jawabaan 14 maalmood gudahood.
Kiiskan ayaa waxaa maxkamada u gudbisay haweeney lagu magacaabo Dr Wilbroda Itolondo.
Waxay ku doodaysaa in go’aanka wasiiradda ay ku soo magacawday maamule ku xigeenada jaamacadaha Technical ,Jaramogi Oginga Odinga, Kabianga , Maasai Mara iyo kuwo kale hakad la geliyo.
Sido kale dacwadda ay maxkamada geysay waxay ku sheegtay inaysan sax ahayn in dib loo cusbooneysiiyo qandaraaskii ay ku shaqeynayeen sarakiisha kala ah Francis Aduol, Stephen Agong, Wilson Kipng’eno iyo Mary Walingo .
Dr. Wilbroda ayaa ku andacoonaysa in dadweynaha aysan afkaartooda ka dhiiban soo magacaabidda sarakiishaasi sidaas awgeedna uusan ahayn geedisocod daahfurnaan ay ku dheehantahay.
Hasa ahaate golaha jaamacadda Maasai Mara ayaa sheegay inuu maxkamada ka codsaday inay daaqadda ka tuurto kiiska la hor geeyay.
Jaamacadda ayaa intaasi ku dartay in ku xigeenada maamulayaasha jaamacadaha lagu shaqaleysiiyo qaab qabdaraas ah heshiskaasina uu yahay mid ka dhexeya jaamacadaha dowlada iyo sarakiisha uu khuseeyo.
Dhanka kale waxaa xabsiga loo taxaabay 8 ka mid ah ardayda dugsiga sare ee Kisii oo ka soo dhex muuqday kameerada duubto muuqaalada qarsoon ee CCTV-da ka hor inta xaruntaasi waxbarasho aysan guban.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *