Ciidamada xasilinta Soomaaliya oo eedaymo loo soo jeediyay.

Wasiirkii hore wasaarada Amniga Soomaaliya C/risaaq Cuamr Maxamaed hadana ah mudane ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa dhaliilo u soo jeediyay habka sharci ahaaneed ee ay ku howl galaan ciidamada xasilinta caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Wuxuu sheegay in ciidamada xasilinta soomaaliyan aysan lahayn sida uu xusay shrci kala hagaya taasi oo uu sheegay inay ku xadgudbayso qodob Dastuuri ah oo ka mid ah sharciga KMG ka ah ee dalka Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay in magaalada Muqdisho ay ka howl galaan ciidamada xasilinta caasimada kuwaasoo amaanka u xilsaaran balse aysan toosnayn habka sharci ahaan loo maray.

Ciidamada xasilinta caasimada soomaaliya ayaa la dhisay snadkii hore waxayna qayb weyn ka qaateen waxka qabashada amaanka Muqdisho wallow mararka qaar ay dhacaan qaraxyo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *