SHARE

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg u sheegay in dalka Jarmalka uu yahay la haystaha Ruushka maadamaa dhankaasi laga soo geliyo tamarta.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday Trump kadib markii hadalo kulkulul ay isweydaarsadeen isaga iyo madaxa NATO ka hor inta maanta usuan kulan ka dhicin magaalada Brussels ee Belgium.
Hoggaamiyaha Maraykanka ayaa si gaar ah u dhaliilay shidaalka laga soo dhoofiyo Ruushka ee Jarmalka laga dejiyo taasina dhaqale balaayiin doolar ah uu ka soo galo.