Guddoomiyasha xoola dhaqatada oo ka soo horjeestay miisaaniya laga dhimay

Golaha ay ku bahobeen ismaamulada ay ku noolyihiin xoola dhaqatada ee magaciisu loo soo gaabiyo FCDC ayaa walaac ka muujiyay miisaaniyad loogu talagalay oo la dhimay.
Guddoomiyaha golahan ahna barasaabka ismamulka Mandhera Cali Ibrahim Roba ayaa wasaaradda maaliyadda ee dalka ku eedeyay inay qaaday tallabo sharci darro ah.
Hadalka Mr. Roba ayaa yimid kadib markii la yareeyay 14 bilyan oo loo qoondeeyay sanduuqa maamul goboleedyada dalka la iskula simo dhanka horumarka.
Golahan ayaa wacad ku maray inuu maxkamada u gudbinayo dacwad ay tallabadaasi uga soo horjeedaan.
Sido kale wasiirka maaliyadda Henry Rotich ayay ku eedeyeen inuu ku takriifalay awoodiisa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *