SHARE

Wasiirka wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta ee dalka Falastiin Yuusuf Adais ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Israa’iil ay 298 mar mamnuucday aadaanka masjid qadiimi ah oo ku yaalo wadankaasi.
Arrintan ayaa dhacday lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan waxayna si gaar ah u saameysay muslimiinta ku nool magaalada daanta galbeed ee Hebron.
Waxaa bayaanka wasiirk qeyb ka ah in ciidamada Isra’iil ee degaanadasi ku sugan ay diideen in xita uu baxo addinka salaada jimcaha.
Sido kale wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in sarakiisha Israa’iil ay sii xoojinayaan awoodda ay ku haystaan masjidka Ibrahimi iyagoo albaabada isugu dhuftay laba maalmood oo xiriir ah.
Waxyaabaha kale ee uu ku eedeyay Isra’iil waxaa ka mid ah in ciidamadeeda ay ilaa iyo saqda dhexe ee habeenkii heeso ku dhex cayaraan gudaha masjidka taasi oo uu ku tilmaamay xadgudub aad u weyn.
Masjidkan ayaa ku yaallo magaalo ay deganyihiin 160,000 oo muslimiin ah.
Hasa ahaate israa’iil ayaanan weli ka hadlin eedeymaha loo soo jeediyay.